Somali News

Dad ku dhintay toogasho ka dhacday Dalka Mareykanka.

Muqdisho-KNN-Nin hubeeysan ayaa dilay Shan qof kadib markii uu weerar ku qaaday Bangi ku yaala Magaaladdda Florida ee Dalka Mareykanka, sida ay booliisku sheegeen.

Askar booliis ah ayaa ka jawaabay kadib markii uu nin ka soo dhex wacay Bangiga islamarkaana u sheegay in uu toogtay Shan qof.

Ninka weerarka qaaday oo magaciisa lagu sheegay Zephen Xaver oo 21 sano jir ah ayaa Dad uu qol kusoo xirtay waxaa uu ku qasbay in ay ciidanka been u sheegaan isagoo bilaabay in uu toogto, sida ay booliisku sheegeen.

Ugu dambeyntii ciidanka amniga ayuu isu soo dhiibay. Waxa weerarka ku dhiiri galiyayna wali ma cadda.