Somali News

Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Caasimada Yemen.

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 32 ruux ayaa dhimatay kadib weerar loo adeegsaday qarax oo ka dhacay magaalada dakada leh ee Cadan.

Qaraxa ayaa ka dhacay xero military oo ku taalo magaaladda Cadan halkaasi oo munaasabad loogu qabanayay ciidamada dowladda Yemen.

Falaagada Xuutiyiinta ee maamula magaalada caasimadda ah ee Sancaa ayaa sheegtay masuuliyadda weerarka.

Tv’ga taageero xuutiyiinta Yemen ee al-Masirah ayaa sheegay in weerarku uu ahaa gantaal ay xuutiyiintu ku tuureen goobta ay ka socotay munaasabadda.

Goobjoogayal ayaa ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in ay arkeen maydadka sagaal ruux oo goobta laga soo saarayo kadib markii uu dhacay qaraxa.

Ila sirdoonka katirsanna waxa ay wakaaladda  ee AFP u sheegeen in tobonaan katirsan ciidamada Yemen uu kamid ah taliyaha sare ee ciidamada ay weerarka ku dhinteen kuna dhaawacmeen.

Majiro wali wax war ah oo kasoo baxay dowladda uu caalamku aqoonsan yahay ee Yemen kaas oo ku aadan weerarkan qasaaraha badan dhaliyay.