Somali News

Dad ku dhintay Weerar ka dhacay Gobalka Mudug.

Gaalkacyo-KNN-Inta la xaqiijiyay 5 Qof ayaa geeriyootay, halka 5 kalana ay ku  dhaawacmeen, kadib markii  Gaari caano sidey oo marayey aaga Deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug ay jidka u galeen koox maleeshiyaad ah.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyada dilka iyo dhaawaca geysatay ay wateen 3 gaari, kadibna lug ay ku yimaadeen aaga dhimashada iyo dhaawacu ka dhacay.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa kasoo kala jeeda Degmooyinka Galdogob iyo Saaxo oo labaduba ka tirsan Gobolka Mudug.

Ilaa iyo hada la oga sababta ka dambaysay arintaasi.

Arintaan ayaa ku soo aadaysa xili Ra’iisulwasaare Xasan Cali Khayre uu  booqasho ku joogo Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug..

Weerarada  ka dhaca gobolka mudug ee loo geysto ciidanka iyo dadka shacab ka ah ayaa ku soo kordhay deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Mudug.