Muqdisho-KNN-Wararka ka imaanaya Degmada Balanbale ee Gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in 20 ruux ay ku sumooben Hilib ay cuneen degaano hoostaga Degmadaasi.
Dadka sumoobay ayaa waxa ay ku nool yihiin deegaanka Haraare oo ku yaalla duleedka degmada Balanbale ee Gobolka Galgaduud.
Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Balanbale ayaa KNN u Sheegay in dadkaasi ay ku sumoobeen Neef Geel ah oo ay qasheen,isla markaana la geeyey Isbitaalo ku kala yaala degmooyinka Balanbale iyo Guriceel oo dhamaantoioda kawada tirsan Gobolka Galgaduud.


