Muqdisho-KNN-Weerar xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa siyaabo kala duwan loogu dilay laba ruux oo midi lagu dilay rasaas midna la gowracay, iyadoo aan ogeyn cida falkaas geysatay.
Labada ruux ee la dilay ayaa lagu dilay goob lagu sameeyo Jayga, Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sidaas u sheegay Idaacada Kulmiye wuxuuna sidoo kale diiday in magaciisa iyo codkiisaba warbaahinta aan u adeegsano sababo amni darteed.
Al-shabaab ayaa Warbaahinta afkoodu ku hadashay ku baahiyay in xalay weerar ay ku qaadeen Saldhig Ciidamada Dowlada ay ku leeyihiin deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ku dileyn 4 ka mid ah Askartii ay weerareen, dagaal ay sheegeen in muddo halkaas uu ka socoyay.