Somali News

Dad lagu eedeeyay cunista iyo ka ganacsiga Hilibka Dadka oo Nigeria la xiray.

Muqdisho-KNN-Booliska gobolka Zamfara ee waqooyi-galbeed Nigeria, ayaa sheegay inay xireen afar qof oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen cunista iyo ka ganacsigiisa Hilibka Dadka.

Dhacdadan ayuu ku sheegay taliyaha booliska  gobolka Ayuba Elkanah in dadkan loo soo qabtay ay yahiintuhmanayaal, ayna timid arrinkan kaddib markii ay baarayaashu ay ka heleen qaar kamid ah Meydadka oo ay ka maqanyahiin qeybo ka mid ah Xubnahooda.

Eedeysanayaasha oo ayaa la xiray todobaadkii hore, sida ay shegeen Booliska, waxaana sidoo kale la baadi goobayaa rag kale oo la tuhunsanyahay.

Taliyaha booliiska Nigeria  waxuu intaas ku daray in ilaa  iyo hadda baaritaanada la sameeyay lagu ogaaday in dadkan lacag dhan Shan boqol oo kun ay ku iibin jireen xubnaha bini’aadamka.

Ku lug lahaanshaha iibinta xubnaha dadka iyo cunista hilibkiisa maaha wax ku cusub dadka Nigeria, waxuuna dalkan ka mid yahay meelaha ay ka dhacaan falalka la xirriira afduubka si ay madax-furasho uga qaataan dadka ama ay hilibkooda u iibsadaan.