Somali News

Dad lagu lagu dilay tuulooyin ka tirsan Congo.

Saraakiisha amaanka dalka Dr Congo ayaa sheegay in labadii habeen ee lasoo dhaafay laba tuulo oo 10km isku jirta lagu dilay kudhawaad 50 Qof.

Koox u abaabulan hab qabiil ayaa beegsaday dadkaasi oo deganaa tuulooyinka waqooyiga dhaca ee dalka Jamhuuriyada Congada dimoqraadiga.

Dowladda waxa ay sheegtay inay ciidamo badan oo boolis ah geyn doonto tuuloyinkaasi.

Dadka deegaanka ayaana la sheegay in ay soo wajahday cabsi xooggan inkastoo halkaas la geeyey ciidamo hordhac ah kuwaas oo sugaya amaanka