Somali News

Dad lagu qabtay baaritaan laga sameeyay Muqdisho

Xalay xaafado ka tirsan degmada Warta-nabadda waxaa howlgallo qorsheysan ka sameeyay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska Soomaaliya, xili howlgalka ujeedkiisa uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayo sida ay sheegeen Saraakiishii hoggaamineysay.

Howlgalka intii uu socday waxaa lagu soo qab qabtay dhalinyaro fara badan oo deegaan ku ahaa Degmada Warta-nabadda waaxyaha ay ka kooban tahay iyo kuwa ku sugna waddooyinka soo gala degmada oo uu saameeyay howlgalka.

Taliyaha Saldhiga Booliska degmada Warta-nabadda Cabdullaahi Xasan Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha horkaceysay ayaa sheegay in howlgalka ujeedkiisa uu ahaa mid amni xaqiijin ah, isagoo xusay in Ciidamada ay baaritaan ku sameeyeen Guryaha qaar iyo Gaadiidka noocyadooda kala duwan.

Sidoo kale, waxaa uu carabka ku dhuftay in qorshahooda koowaad uu yahay la dagaalanka Ciyaal weerada oo ah kuwo xaafad xaafad marwalba u dagaalamaya, isagoo xusay inay halkooda kasii wadi doonaan howlgaladda ay ku baacsanayaan Ciyaal weerada iyo Kooxaha Burcadda ah ee dadka taleefoonada ka dhaca iyo cid kasta oo liddi ku ah Amniga.

Howlgalkii xalay ka dhacay dagmada Warta-nabadda ayaa kusoo aadaya, xilli qaar kamid ah shacabka ku nool dagmaas ay dhibaato ku qabaan burcad habeenkii dhac u geesta iyo ciyaal weero bulshada Banaadir xiligan dhibaato farabadam ku haya.