Gaalkacyo-KNN-Yaasiin Cabdisamad Duqa Magaalada Gaalkacyo ee Puntland oo wareysi siiyay idaacadda Kulmiye ayaa waxaa uu ka hadlay dilalka qorsheysan ee maalmihii la soo dhaafay ka dhacay Waqooyiga magaalada gaalkacyo ee Gobalka mudug.
Duqa Gaalkacyo ee Puntland ayaa sheegay in dad badan ay u qabteen dilalkii ka dhacay Magaalada Gaalkacyo, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in howlgalo culus ay ka socdaan Waqooyiga Magaaladaasi.
Sidoo kale Yasiin Cabdi Rashiid ayaa waxaa uu ka hadlay ciidamada la geeyay Magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug, waxaa uuna sheegay in iyaga ay dalbadeen ciidamadaasi, isagoona tilmaamay in ciidamada ay qeyb ka qaadan doonaan howlgal ka dhan ah dadka falalka amni daro kageysta Magaaladaasi.
Maalmihii dambe ayaa waxaa waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Mudug ka dhacay dilal loo geystay dad rayid ah, iyadoona ay xusid mudan tahay in gabar yar inta la kufsaday, oo la jar jaray, kadibna la toogteen, taasina waxaa ay keentay maamulka Puntland uu ciidamo dheeraad ah geeyo waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.