Somali News

Dad loo qabtay qarax khasaare geystay oo ka dhacay Laascaanood

Laascaanood-KNN-Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool xalay waxaa ka dhacay qarax ay ku dhaawacmeen askar ka tirsan ciidanka booliska Somaliland, ee ka howlgala magaaladaas.

Illaa seddax askari oo booliska Somaliland ka tirsan iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxaas, oo ahaa bam gacmeed.

Ciidamada Booliiska Somaliland qaraxaas kadib magaalada ka bilaabay howlgal ay ku soo qabteen dad lala xariirinayo qaraxaas.

Lama sheegin tirada dadka lagu soo qabtay howlgalkaas.

Qaraxa ayaa lagu weeraray xarun ku taalla bartamaha magaalada Laascaanood oo ay ka socotay diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha doorashooyinka Somaliland.

Ma jirto cid ilaa iyo haatan sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas oo khalkhal ku abuuray barnaamijka diiwan-gelinta cod-bixiyaasha doorashada soo cota ee Somaliland ee ka socda magaalada Laascaanood.