Somali News

Dad loo qabtay qaraxii ka dhacay Beledweyne

Ciidamada ammaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa howlgal ay sameeyeen waxaa ay ku soo qabteen dad lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen qarax khasaaro geystay oo shalay ka dhacay magaaladaas.

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa la dhigay afaafka hore ee garoonka kubbada cagta Laqanyo, waxaana qaraxaasi ku geeriyooday laba askari oo ka tirsan Booliska Hir-Shabeelle.

Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Maaliyadda gobolka Hiiraan Abuukar Cali Maadeey ayaa ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay qaraxa, isagoo sheegay in argagaxisadu beegsaneyso goobaha ay shacabku isugu yimaadaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in ay wadaan howlgallo lagu baadi goobayo dadkii ka dambeeyay qaraxa, wuxuuna xusay in ay gacanta ku soo dhigeen dad looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen qaraxa, baaritaana ay ku wadaan.