Uncategorized

Dad loo xiray Dilkii Wariye Maxamed Gaaboow

Muqdisho–KNN–Warar ay heshay Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Hay’adaha Ammaanka ay gacanta ku soo Dhigeen Shaqsiyaad lala xariirinayo in ay ka dambeeyeen Dilkii Wariye Maxamed Ibraahim Gaabow oo ka mid ahaa Wariyaasha Tv-ga Kalsan oo Shalay Gabal-dhicii u dhintay Qarax Miino oo loogu xiray Gaari uu watay.

Dadka loo xiray Tuhunka in ay ka dambeeyeen Dilka wariye Gaabow ayaa gaaraya illaa Afar Qof,waxaana laga soo qabtay Labo Garaash oo ku yaalla Degmada Wadajir oo Saxaafiga la dilay uu dhigan jiray Gaariga loogu xiray Qaraxa Afartii Maalin ee la soo dhaafay,waxaana Wararku ay sheegayaan in Dadkaan la xiray ay wax ka ogaayeen Qaraxa loogu xiray Gaariga uu watay Alle ha u naxariistee Wariye Maxamed Ibraahim Gaaboow islamarkaana ay hadda Baaritaano ku socdaan.