Muqdisho-KNN-Maxkamad
ku taalla dalka Turkiga ayaa Khamiisti shalay xabsi daa’in ku xakuntay 24 qof
oo ku eedeysan in ay lug ku lahaayeen afganbigi dhicisoobay ee Turkiga ka
dhacay sannadki 2016-ki.
Garsooraha Maxkamadda Ankara ayaa 17 ka mid ah 24-ka qof ku xakumay xabsi
daa’in ay ciqaabtiisu adag tahay, kaddib marki lagu eedeeyay in ay ku
xadgudbeen dastuurka iyo in ay isku dayeen in ay dilaan madaxweyne Recep Tayyip
Erdogan.
Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka
Turkiga ee Anadolu, dadka xabsi daa’inka adag lagu xakumay waxaa ka mida ah
talyihii hore ee ciidamada cirka Turkiga Akin Ozturk iyo Mehmet Dishli oo ah
nin la dhashay safiirka Turkiga ee dalka Netherlands Shaban Dishli.
Sidoo kale dadka xabsi daa’inka ciqaabta adag lagu xakumay waxaa ku jira Ali
Yazici oo ah gacanyarihii dhinaca millatariga ee madaxweyne Erdogan.
Maxkamadeynta eedeysanayaashan oo aheyd tii ugu weyneyd tan iyo isku-daygi afganbi, ayaa bishi May ee sannadki 2017-ki kasoo billaabatay maxkamad ku taalla xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ee Sincan ee duleedka magaalada caasimadda ah ee Ankara.
Kumanaan ruux ayaa wali xabsiyada ugu jira isku daygi afganbi ee Turkiga ka dhacay sannadki 2016-ki.