Somali News

Dad mudaaharaadaya iyo Booliiska Hong Kong oo gacanta isula tagay

Muqdisho-KNN-Booliiska iyo dad mudaharaadayay ayaa gacanta isula tagay Jasuuradda Hong Kong iyadoo loo dabaay dagayo Sanad Guuraddii 22 aad ee kasoo wareegay markii xukunkii Ingiriisku uu Jasiiradda ku wareejiyay Xukunka Shiinaha.

Madaxa Jasiiradda Carrie Lam ayaa ka qayb gashay munaasabad Sanadle ah oo calanka lagu saarayay, booliiskuna gaaska dadka ka ilmeeysiiya ayey u adeegsadeeen dad mudaharaadayay.

Malaayiin qof ayaa todobaadyadii lasoo dhaafay Banaan-baxyo ka dhigayay Hong Kong waxayna diidanaayeen Sharci ogolaanaya in dadka dambiyadda lagu eedeeynayo loo gacan gelin karo dhul weynaha Shiinaha.

Dowladda ayaa ogolaatay in ay joojiso sharciga dhaliyay carada Dadweynaha.

Marwo Lam ayaa wajaheeysa baaqyo ah in ay iscasisho. Dadkii ugu badnaa ayaana la filayaa in ay ka qayb galaan mudaharaad kale oo la qorsheeynayo in uu Jasiiradda ka dhaco.