Somali News

Dad muhaajiriin ah oo lagu laayay duqeyn ka dhacday liibiya.

Muqdish0-KNN-Ugu yaraan 40 qpf ayaa ku dhintay duqayn cirka ah oo lala beegsaday goob muhajiriinta lagu xiro oo ku taala Dalka Liibiya, sida ay sheegeen Saraakiisha Dowladda.

80 qof oo kale ayaa ku dhaawacmay qaraxa duqaynta oo lala beegsaday xarun ku taala duleedka bari ee magaaladda Tripoli.

Inta ugu badan dadka halkaas ku dhintay waa muhaajiriin African ah, sida ay warisay BBC-da oo soo xiganeeysa Masuuliyiin maxali ah.

Sanadihii u dambeeyay Liibiya waxay ahayd marin ay muhaajiriintu ku gaaraan qaaradda Europe.

Wadanka waxa la degay dagaalo iyo khalalaase soo billowday sanadkii 2011kii xilligaas oo xilka laga tuuray hogaamiyihii waqtiga dheer Dalka maamulayay ee  Mucamar Al-Qadaafi .

Xukuumadda Caalamku aqoonsanyahay ee uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Fayez al-Serra ayaa ku eedeeysay kooxda uu hogaamiyo Khaliifa Hafter in ay duqaynta ka dambeeyeen.