Somali News

Dad qaba COVID-19 oo ku geeriyooday dab qabsaday Hotel lagu karantiilay oo Hindiya ku yaalla

Muqdisho-KNN- Inta la xaqiijiyay 11 ruux oo qabay xanuunka Karoona ayaa ku geeriyootay dab ka kacay hotel lagu karantiilay dadka qaba xanuunkaan oo ku yaala magaalo ku taala koofurta dalka Hindiya

Hotelka gubtay oo la yiraahdo Sawaarna ayaa ku yaala magaalada Vijayawada oo ka tirsan gobolka Andhra Pradesh.

Illaa iyo 22 ruux oo ku dhawaacmay dabkaan ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka

Sargaalka ka tirsan booliska Hindiya ayaa sheegay in kooxaha gurmadka ay hotelka kasoo saareen bukaano badan oo ku go’doomay.

Khamiistiina dab ka kacay qeybta gurmadka deg dega ah isbitaal ku yaala gobolka Gujuraat ee Hindiya ayaa waxaa ku geeriyooday 8 ruux.

Tirada dadka qaba xanuunka Karoona dalka Hindiya waxay ka badan yihiin 2 million oo ruux sida dawladu sheegtay.

Dhanka kale dawlada Maraykanka ayaa sheegtay in dadka qaaday Karoona inay gaareen 5 million oo ruux sida ay maanta qortay wakaaladda wararka Reuters.

Q,M waxay sheegtay in adduunka oo dhan xanuunkaan Covid19 ay qabaan dad ku dhaw 20 million oo qof waxaana u geeriyooday 725 kun oo qof halka ay ka bogsadeen ku dhawaad 12 million oo ruux.