Uncategorized

Dad rayid ah oo dil iyo afduub loogu geysay deegaanka Laanta-buure Gobolka SH/Hoose.

Afgooye-KNN-Wararka ka imaanaya Gobolka Shabellaha Hoose Gaar ahan deegaanka la yiraahdo Laanta-buure ayaa sheegaya in dad Shacabka halkaasi lagu dilay kuwa kalana la Afduubtay.

Dad la dilay iyo sidoo kale kuwa la afduubtay ayaa waxaa ay saarnaayeen Gaari Caasi ah ama Hoomey ah, 4 Ruux ayaa  dhintay sida la sheegay 3 kalana waa la afduubtay ilaa iyo hadana lama oga halka lageeyay, 8 qof oo ka mid ahaa dadka Gariga saarnaa ayaa la sii daayay.

Waxaa falkaani uu daba joogaa dil qof Haween ah habeen ka hor loogu geestay Gobolka Colaadu haraysay ee Shabellaha Hoose, Waxaana Gobolkasi ka taagan dagaal u dhaxeeyo Beelo wada dega kaa oo muddo dher soo jiitamayay, arintaan ayaa loo maleynayaa in ay salka ku hayso aano Qabiil.

Ilaa iyo hadda majiraan cid ka hadashay dhacdadaan, laamaha amaanka iyo Mas`uuliyiinta Gobolkaba.

Lasoco wixii ka soo kordha.