Somali News

Dad rayid ah oo la sheegay in ay ku dhinteen Duqayn ka dhacday Duleedka Afgooye.

Muqdisho-KNN-Duqayn ka dhacday meel u dhow Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose  ayaa dishay Afar qof oo shacab ah, sida qof Qaraabadda dhibane yaasha ka mid ah uu u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters.

Mareeykanka ayaa duqaymo joogta ah ka fuliya gobolka Shabeellada hoose, halkaas oo uu ku beegsado Al-shabaab, isagoo taageero siinaya Dowladda Faderalka ah ee Soomaaliya oo dagaal kula jirta Al-shabaab.

Cabdul qaadir Nuur iyo Sedax qof oo kale ayaa dhintay xilli ay ku sii socdeen Laanta Buuro  oo 45 km u jirta Magaaladda Muqdisho.

“Cabdulqaaadir Nuur iyo Sedaxdii kale isla meesha ayey ku dhinteen. Wakaalkiis Mahad dhamaantiis waa uu gubtay” ayuu Cabdullahi  Cali oo ay Cabdul qaadir Nuur ilmo adeer yihiin u sheegay Reuters.

Wakaaladda Reuters ayaa sheegtay in warqad uu usoo diray Taliska Mareykanka ee Qaaradda Africa, AFRICOM uu ku sheegay in isniintii ay duqayn cirka ah fuliyeen, islamarkaana ay ku dileen  sedax maleeshiyaad ah.

“Waan ka war qabnaa wararka sheegaya waxyeeladda shacabka ee duqaynta ka dhalatay. Talista Mareykanka ee Africa waxaa uu dib u eegi doonaa warbixinta dhacdadaan oo ay ku jirto warbixinta dhinac Sedexaad oo xiriir la leh” ayuu Taliska Mareykanku u sheegay Reuters.

Hey’adda u dooda xuquuqda aadana ee Amnesty International ayaa horay Mareykanka ugu eedeeysay in uu dad rayid ah ku laayo  Soomaaliya, balse Mareeykanka oo mar hore beeniyay ayaa goor dambe sheegay in April 2018 uu Hooyo iyo ilo yar ku dilay duqayn uu Soomaaliya ka geeystay.