Somali News

Dad Shacab ah iyo Al-Shabaab oo ka dagaalamaya Sh/Dhexe.

Cadale-KNN-Wararka ka imaanaya degmooyinka Cadale iyo Aadan yabaal ee Shabeelaha Dhexe ayaa soo sheegaya in dad shacab ah oo loo yaqaano Macawuusley iyo Al-shabaab ay ku dagaalamayaan tuulooyin degmooyinkaas ka tirsan.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka oo  bilaawday Maqribkii uu ilaa hadda ka socda deegaano ku yaala duleedka degmooyinkaas waxaana uu daba joogaa dagaalo hore.

Si rasmi ah ilaa hada looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka socda waxaana masuuliyiinta gobalka ay soo sheegayaan iney ciidamo gurmad ah u dirayaan dadka deegaanka ee dagaalka ku jira.

la soco wixii ku soo kordha dagaalka.