Somali News

Dad shacab ah oo ay waxyeelo kasoo gaartay rasaas uu furay Askari Booliis ah

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha biyaha ayaa sheegaya in halkaas lagu dhaawacay 4 ruux,  kuwaas oo ahaa dhammaantood dad shacab ah.

Warar ayaa sheegaya in afarta ruux ee la dhaawacay ay saarnaayen mid ka mid ah gawaarida noocu raaxada, xili ay marayeen Isgoyska Ceelahsa Biyaha.

Waxaa la tilmaamay in dhaawaca uu dadkaas u geystay askari ka mid aha kuwa ku sugan kontoroolka deegaanka Ceelasha Biyaha, isagoo rasaas ku furay gaarigii ay saarnaayeen, inkastoo aan la ogeyn sababta arrintaas ka dambeysay.

Askariga falkaas  ka dambeeyay ayaa la tilmaamay inuu goobta ka baxsaday, waxaase isgoyska ay dhacdadaan ka dhacday gaaray dad shacab ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka, iyagoo gurmad u fidiyay dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray rasaasra uu furay askariga.

Lama oga sababta rasmigaa ee ka dambeysa dilka dadkaan shacabka ah, balse Askarta dowladda ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay ooda ka qaadeyay rasaas aan loo meel dayin, kuwaas oo ay khasaaro kasoo gaarto dad shacab ah oo aan waxba galabsan.