Uncategorized

Dad shacab ah oo ku dhintay duqayn ay fuliyeen Ciidamada AMISOM.

Muqdisho-KNN-Wararka naga soo gaarayo degmada Awdheegle ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa soo sheegaya in Ciidamada AMISOM ay duqayn ku dilayn shacab xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa duleedka degmadaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ugu yaraan 7 qof ay ku dhintayn duqayntaasi oo labo ka mid ah ay yihiin Carruur, dadka dhintay ayaa ahaa Xoolo dhaqato ku sugnaa deegaan 7 KM u jira degmadaasi.

Mas’uuliyiinta degmada iyo kuwa Gobalka Shabeelaha Hoose oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in ay baarayaan duqaynta dadka ku dhintay nuuca ay ahaayeen waxayna shaki geliyeen in shacab ay ahaayeen.

Awdheegle waxay ka mid ahayd degmooyin ay shalay qabsadeyn Ciidamada Dowladda inkastoo markii dambe ay ka soo laabtayn goobihii ay qabsadayn Ciidamada Dowladda.