Somali News

Dad shacab ah oo ku dhintay duqeyn ka dhacday Sh.Dhexe.

Jowhar-KNN-Ilaa 4 qof oo ka mid ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan gamboole ayaa ku dhintay weerar xalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee danab oo garab ka helaya ciidamo cadaan ah ay ka fuliyeen halkas iyadoo sidoo kalana ay ku dhaawacmeen ilaa sidax qof kale kuwaas oo hada dhaawacooda la keenay cisbitaalka weyn ee dagmada jowhar.

Qof ka mid ah dadka ku dhaqan gamboole ayaa idaacada kulmiye u xaqiijiyay khasaaraha dadka rayid ah kazoo gaaray weerarka waxaana uu sheegay in ciidamada is garab sanaya ay xalay saq dhexe weerar abaabulan ku qaadeen fariisimo ay dagaalamayaasha Al-shabaab ku lahayeen deegaanka waxaana dhacay dagaal toos ah oo ciidamada huwanta ah la galeen shabaabka iyo duqeyn xaga cirka ah oo bar bar socotay.

Marka laga soo tago khasaaraha shacabka soo gaaray wali waxa aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha kala gaaray dhinacyada dirirtu ay dhex martay hadana dadka deegaanka waxa ay sheegayaa in al shabaab khasaare badan lagu gaarsiiyay weerarka sidoo kalana ay jirto dagaalamayaal shabaabka ka tirsanaa oo ciidamada ay nolosha kusoo wateen.

Al shabab ayaa isaga baxay fariisimihii ay gamboole ku lahayeen iyadoo ciidamada weerarka fuliyay ay la wareegeen dhamaan xarumihii shabaabka ay baneeyeen lkn waabarigii saaka ayey ciidamada kazoo bexeen guud ahaan deegaanka.

War lagu daabacay warbaahinta taageerta al shabab ayaa lagu sheegay iney iska difaaceen weerarka xalay ciidamada is garabsanaya ay ku qaadeen deegaanka gamboole.