Somali News

Dad Shacab ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Dhoobley.

Dhoobley-KNN-Qarax miino ayaa lagu soo waramayaa inuu ka dhacay Degmada Dhoobley ee Gobalka Jubbada Hoose.

Qaraxaan oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaa waxaa uu ka dhacay duleedka degmada Dhoobleey ee Gobolka Jubbada Hoose,waxaana la sheegay in qaraxa uu qabsaday gaari ay saarnaayeen dad Shacab ah.

Dadka degaanka ayaa sheegaya in dadka dhintay ay tiradooda ku dhowdahay lix ilaa todobo qof.

Goobjoogayaal ayaa waxaa sheegeen in Gaari Hoomey ah oo ka yimid tuulooyin hoostaga degmada dhoobleey uu qaraxa qabsaday,gaarigaas oo ahaa mid Subaxdii hore ee shalay Caano ka qaaday degmada dhoobleey.

Nuur Biixi  Iskuduwaha Wasaaradda Caafimaadka ee degmada Dhoobleey  ayaa sheegay in qaraxaasi ay ku geeriyoodeen Saddex Ruux halka laba kale ay ku dhaawacmeen oo mid ka mid ah dhaawiciisa uu yahay mid culus.