Afgooye-KNN-Gudoomiyaha degmada afgooye ee Maamulka koonfur Galbeed ayaa KNN u xaqiijiyay in koox hubeysan ay rasaas sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ku furen gaari ay la socdeen dad shacab ah oo maraayay duleedka Degmada Afgooyeee gobolka Shabeelaha Hoose.
Gaarigaan oo xalay ka ambabaxay degmada Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in lagu rasaaseeyay inta u dhaxeysa Wanlaweyn iyo Degmada Afgooye, kadib markii wadihii gaariga uu ka dhaga adeegay inuu istaago goob Isbaaro tiilay.
Inta la xaqiijiyay Rasaastaasi waxaa ku dhintay Saddex qof, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay qaar ka mid ah dadkii Gaariga Saarnaa sida uu sheegay Gudoomiyaha Maamulka Degmada Afgooye.
Wariyaha Idaacadda kulmiye ee gobalka ayaa ku soo waramaya meydadka iyo dadka dhaawacyada ah xalay la keenay Isbitaalka degmada Afgooye Afgooye ee gobalka Shabeelaha Hoose.