Somali News

Dad shacab ah oo lagu dilay Galgaduud

Cadaado-KNN-Wararka ka imaanaya gobalka galgaduud ayaa sheegaya in koox maleeshiyaad ah ay weerar ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo ku sugan deegaano hoostaga Magaalada Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Dadka deegaanka ayaa KNN u sheegay in koox maleeshiyaad ah ay saakay weerar ku qaadeen dadka xoolo dhaqato ah oo ku sugnaa inta u dhexeysa deegaanada Biyo Gaduud Iyo Dhabad Baabuur oo hoostaga Magaalada Cadaado ee gobalka galgaduud.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in dilkan uu salka ku hayo aano Qabiil , iyadoona raggii fuliyey ay goobta isaga baxsadeen.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa lagu dilay weerarka, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay waxgaradka iyo maamulka galmudug, kaasi oo ku aadan in ay faahfaafhin ka bixiyaan dilka loo geystay dadka xoolo dhaqatada ah.