Muqdisho-KNN-Koox hubeysan ayaa waxaa la sheegay in xalay ay rasaas ku fureen gaari ay saarnayeen Dad Shacab ah oo marayay deegaanka Ceelasha biyaha ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Waxaana la sheegay in kooxda ay doonaysay in ay istaajiyaan gaari, Balse Darawalka gaari uu arintaasi ka biiyo diiday, iyadoona taasi ay keentay in rasaas lagu furo gaadiidka ay saarnaayeen dadka Shacabka ah.
Inta la xaqiijiyay Hal qof ayaa ku dhintay, halka sedex kalana ay ku dhaawacmeen, kadib markii rasaas ay fureen koox ku labisneed dareeska Ciidanka Militariga Soomaaliya sida ay KNN u sheegeen dadka Deegaanka.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geystaan koox aan heybtooda la garan.


