Muqdisho-KNN-Maleeshiyaad ayaa waxaa la sheegay in dad shacab ah ay ku dhaawaceen Wadada isku xirta Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Hobyo ee Gobalka Mudug.
Dadka ayaa la rasaaseeyay ayaa waxaa la tilmaamay in ay saarnaayeen gaari, xiligaasina waxaa uu ku sii jeeday gaariga Magaalada Hobyo ee Gobalka Mudug.
Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Gaari uu socday degmada Hobyo ee gobolka Mudug,waxaana inta la xaqiijiyay ku dhaawacmay 5 ruux oo gaariga saarnaa.
Ma jiraan ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Amaanka Galmudug.


