Beledweyne-KNN-Inta laxaqiijiyay lix ruux oo Afar kamid ah yihiin Caruur ayaa saakay lagu dilay deegaan hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
Dabley hubeysan ayaa wadada u gashay Gaari nuuca loo yaqaano Dheynaha oo marayay Deegaan lagu magacaabo Kabteedan oo u dhaw Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.
Waxaa lasoo sheegay in markii laga reebo lixda ruux ee dhimatay ay halkaasi ku dhaawacmeen ilaayo Afar qof oo kale, kadib markii kooxo hubeysan ay wadada u galeen isla markaana ay Gaariga Rasaas ku fureen.
Dadka la laayay oo saarnaa Gaariga la rasaaseeyay ayaa ahaa dad reer guuraa ah oo la sheegay in ay u Roob raacayeen deegaanada Xagar iyo Bukur oo ka tirsan gobolka Hiiraan, kuwaas oo dhowaan uu ka da’ay roobabka Guga.