Uncategorized

Dad Shacab ah oo Saakay lagu dilay Wadajir.

Muqdisho-KNN-Saakay Aroortii ayaa dadka ku nool Xaafad ka mid ah degmada Wadajir waxay ku soo tooseen dilal loo Geestay dad Shacab ah oo ku sugnaa degmadaasi.

Dilalka ayaa siyaabo kala Duwan waxah uga dhaceen Waaxda Time-Cade ee degmada Wadajir waxaana dadka la dilay la sheegay iney ahaayeen Shacab.

Qof ka mid ah dadka la dilay Waxaa la sheegay inuu ahaa Macalim Dugsi Qur’aan halka qofka kalane la sheegay inuu ahaa halible aad looga yaqaano Degmada.

24kii Saac ee la soo dhaafay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 4 qof oo qof ka mid ah uu ka tirsanaa Shaqaalaha Baarlamaanka Soomaaliya.