Somali News

Dad xoog looga heystay guryahooda oo maanta lagu wareejiyay

Muqdisho-KNN-Muwaadiniin Soomaaliyeed oo looga heystay guryahooda sifo sharci darro ah wixii ka dambeeyay bur-burkii dowladii dhexe ayaa maanta laba kamid ah qoysas sugaya fullinada Maxkamadda Gobalka Banaadir lagula kala wareejiyay guryahooda oo ku kala yaalla degmooyinka Dharkenley iyo Kaaraan .

Maamulada degmooyinkaas, ciidamada Amniga ee loo Xilsaaray fullinada Maxkamadda Sargaal uqaabilsan gobalka howlaha fullinta iyo guddoomiyaha Maxkamadda ayaa goob joog u ahaa hubinta in lagu simo guryahooda si nabad galya ah muwaadiniintan loo awood sheegtay.

Garyaqaan Muuse Macalin Maxamed Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa digniin u diray kuwa ku howlan marin habaaninta hey’adaha cadaaladda, isaggoo Dhinaca kale  ugu baaqay haldoorada bulshada in ay ka qeyb qaataan wacyi-gelin dadweynaha.

Saado Cali Ibraahim iyo Caaisha Sheikh Abuukar ayaa ka mahad celiyay kaalinta Dawladda ka qaadatay dib uhanashada hantidooda.