Uncategorized

Dad Xoolo Dhaqato ah oo Xalay lagu dilay Gobolka Mudug

Mudug–KNN-– Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Xalay Saddex Qof oo ka mida Dadka Reer Guuraaga ah ee ku nool Gobolka Mudug Xalay lagu dilay Degaanka Saaxo ee Galbeedka Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha Degaanka Bandiiradley Ee Gobolka Mudug C/risaaq Axmed Jaamac oo la hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa sheegay in Maleeshiyaad Hubeysan ay Xalay Degaanka Saaxo ay ku dileen Saddex Qof oo Xoolo dhaqato ah islamarkaana ay Labo kale ku dhaawaceen.

Dilkaan ayaa ku soo aadaya Xilli sidoo kale Dad Xoolo dhaqato ah Maalmo ka hor lagu dilay Bariga Gobolka Mudug,iyadoo Maamulada Galmudug iyo Puntland ay sameeyeen Ciidan Isku dhaf ah oo Labada Maamul ka kala socda ayaan haddana waxaa wali socda Dilalkii loo geysanayay Dadka Reer Miyiga ah.