Uncategorized

Dadaalada lagu xalinayo Khilaafka Jawaari iyo R/W Khayrre oo maanta xoogeestay.

Muqdisho-KNN-Waxaa sii xoogeysanaya dadaalada lagu qaboojinayo khilaafka Ba’an ee hareeyay hay’adaha fulinta iyo Sharci dejinta Soomaaliya  kaas oo maalmihii ugu dambeeyay gaaray meel sare.

Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, Xafiiska Madaxweynaha ee Dhismaha Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa maanta waxaa ka socda dadaalo xoog leh oo lagu dejinayo xiisadda sii xoogeysanaysa ee u dhaxeysay Xildhibaanada iska soo hor jeeda ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si toos u bilaabay xalinta Khilaafka Ba’an ee ka jira Hay’adda ugu muhiimsan Dowladda Soomaaliya ee Sharci dejinta iyo Laanta Fulinta, waxaana dadka aan la hadalnay ay sheegayaan in saacadihii ugu dambeeyay xoogestay kulamada gaar gaarka ah lala yeelanayo Labada dhinac ee Golaha shacabka Soomaaliya.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay in maanta uu baajiyay safar uu ku tagi lahaa Dalka Qatar kadib Casuumaad uu ka helay Boqorka Dalkaasi, waxaa uuna xoojiyay dadaalada is fahamka looga dhax abuuaryo xildhibaanada Golaha Shacabka.

Sidoo kale Saraakiil ka tirsan Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Midowga yurub iyo Qaar ka mid ah Dowladaha Taageera Soomaaliya ayaa siyaabo gaar gaar ah u bilaabay kulamo ku saabsan is faham darada ka dhaxeysa Golaha shacabka kaas oo salka ku haayo Mooshin xildhibaanada qaar ay ka keeneen Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Guddi ka socda Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ku biiray siyaasiinta sama doonka ee ku jira dadaalada lagu soo afjarayo Jahwareerka siyaasadeed ee ka taagan magaalada Muqdisho kaas oo maalmihii la soo dhaafay Page-ka ugu horeeya uga jira Warbaahinta Caalamka iyo kuwa Soomaalida.

Si guud waxaa maanta degan xaaladda magaalada, waxaana hakad ku jira kulamadii iska soo horjeeday oo maalmihii la soo dhaafay Hoteelada Muqdisho ay ku lahaayeen Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya.

Mooshinka laga keenay Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay noqday hadal heynta ugu wayn ee dadka Soomaaliyeed, Culumada, Siyaasiinta iyo qaybaha kale ee Bulshada ayaa Madaxda Dowladda ku booriyay in ay jawi degan oo wadahadal ah ay ku dhameestaan khilaafkooda.