Somali News

Dadaaladii xalka loogu raadinayay muranka wabiga Nile oo mar kale guul daraystay.

Dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa markale ku guul daraystay in ay xal ka gaaraan muranka sanooyinka soo taagan ee laxariira biya xirka ay Itoobiya ku samanayso wabiga Nile.

Dhamaadkii bishii October ayay sadaxda wadan ku heshiiyeen in dib loo furo wadahadalada wax looga qabanayo qorashaha ay dowladda Itoobiyo ku buuxinayso biya xireenka oo lacagta ku baxeeso lagu sheegay afar bilyan oo doolar.

Wasiirka biyaha ee dowladda Suudaan ayaa sheegay in wasiirada arimaha biyaha ee dalalka Suudaan, Masar iyo Itoobiya ay ku guul daraysteen in ay heshiis gaaraan.

Dowladda Mareykanka ayaa cadaadis ku saarayso dhigeeda Itoobiyo in aysan ku dhaqaaqin talaabada ay doonayso in ay ku buuxiso biya xireen oo ay ku tiirsan tahay nolosha malaayiin ruux oo ku kala nool dalalka Masar iyo Suudaan gaar ahaan wadanka Masar.