Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa sheegaya in ay socdaan dadaalo lagu xallinayo muranka ka taagan wax-ka beddelkii lagu saneeyey xeer-hoosaadka Baarlamanka Puntland horyaal oo dood badan ka dhalatay labadii maalin ee lasoo dhaafay.
Wararka ayaa waxa ay tilmaamayaan in ay socdaan wada-hadalo u dhaxeeya dhinacyada ku kala aragti duwanaa xeerkan islamarkaana ay hada socdaan isku soo dhawaansho labada garab ee arinta ku kala aragti duwan, kaas oo lagu xalinaayo khilaafka ka dhashay wax-ka beddelkii lagu sameeyay Xeer-hoosaadka.
Xildhibaanada oo galay saddex maalin oo fsasx ah ayaa lagu wadaa in maalinta Sabtida dib u soo laabtaan, kadib markii xildhibaannada ay isku khilaafeen wax-ka beddelka xeer-hoosaadka Golaha la horkeenay, waxaana ay hore qaar kamid ah mudanayaasha u sheegeen in guddoomiyaha maxkamadda Sare ay ka gudbin doonaan mooshin hadii uu soo farageliyo arintan.
Sidoo kale, waxa la filaya in wada-hadal lagu dhammeeyo is-maandhaafka ka dhex jira baarlamaanka,islamarkaana xal rasmiya laga gaaro arrinta uu khilaafka xooggan ka dhaahay.


