Uncategorized

Dadka aan muslimiinta aheyn oo ka barakacaya Lamu ee wadanka Kenya.

Muqdisho-KNN-Shacabka ku nool magaalo Xeebeedka Lamu ee Gudaha Kenya gaar ahaan kuwa aan heysan diinta Islaamka ayaa bilaabay in ay naftooda kala baxaan Al-Shabaab oo kordhiyay dilka dadkaasi iyo weerada ka dhanka ah.

Sababta ay dadkaasi ay u Barakacayaan ayaa la sheegay in ay tahay Cabsi ay ka qabaan dagaalamayaasha Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka geysta degaanada hoos yimaada Lane.

Maalmo ka hor ayaa Meydadka Saddex ruux oo Masiixiyiin ah waxaa la lasoo dhigay duleedka Magaalada Lamu, waxaana taliyaha Ciidamada Booliska Aagasi uu sheegay in dadkaasi ay dileen Al-Shabaab.