Uncategorized

Dadka Deegaanka Jasiira iyo ciidamada xooga oo ku dagaalamay deegaankaas.

Muqdisho-KNN-Faafaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhaxeeyay ciidamada xooga Soomaaliya iyo maleeshiyaad kala oo hubeysan ayaa ku dagaalamay deegaanka Jasiira ee duleydka Magaalada Muqdisho.

Qof goob jooga ah oo KNN la hadlay ayaa sheegay in khasaaro uu ka dhashay dagaalkaas oo soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalaamay.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku dhaawactay inta la ogyahay oo labada dhinac ah.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada ka tirsan dowlada ay dhac iyo boob u geysteen dadka deegaanka taasna ay dhalisay in maleeshiyo deegaanka ah iyo ciidamada dowlada ay deegaan kaas ku dagaalamaan.

Majiraan wax war ah oo ka soo kala baxay  dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka jasiira ee duleedka Magaalada Muqdisho.