Somali News

Dadka Degmadda Yaaqshiid oo ka cabanaya Afduub ka dhan ah Caruurta

Muqdisho-KNN-Degmadda Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxaa kasoo ka taagan cabsi ay muujinayaan Dadka Degmadda oo ku aadan Caruur la Afduubtay.

Cabsida ayaa kaliftay in Caruurta aan loo dirin Dugsiyadda iyo Iskuuladda, sida Idaacadda Kulmiye ay u sheegeen Dadka deegaanka.

Cabdulqaadir Sheekh cusmaan oo ka mid ah Dadka Degmadda Yaaqshiid ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Qoyskiisa gabar laga Afduubtay, walina ay la’yihiin.

Cabdulqaadir waxaa uu sheegay in gabadha oo 12 jir ah ay aaday Iskool, waxaa uu intaas ku daray in la’ogaaday in gabadha la Afduubtay, markii u dambeeyay waxaa ay kasoo hadashay Magaalada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

“cabsi badan ayaa nagu jirta, waayahaan gabdhihii waa lagadanayaa, madaxfurasho ayaa laga qaadayaa dhib intaas ka weeyna wuu imaan karaa, marka walwal ayaan dareemeeynaa” Cabdulqaadir Sheekh cusmaan.

Meesha uu Afguubkaan ka dhacay waa xaafadda carafad ee Degmadda Yaaqshiiq.