Somali News

Dadka Giriigga oo u dareeray Goobaha codbixinta

Muqdisho-KNN-Dadka Giriiga ayaa maanta u dareeray goobaha codbixinta si ay usoo doortaan baarlamaan cusub, iyadoo Xisbiga midigta dhexe uu loolan adag gelinayo Dowladda uu hogaamiyo xisbiga Garabka bidix.

Xisbiga Dimoqaraadiyadda Cusub ayaa dhankiisa  waxaa uu rijeynayaa in uu soo gaban-gabeeyo in ka badan Afar sano oo uu xukumayay Xisbiga Ra’iisul Wasaare Alexis Tsipras.

Alexis Tsipras ayaa ku dhawaaqay doorashooyin xilligoodii laga soo hormariyay kadib markii looga adkaday doorshooyinkii Europe ee Bishii May.

Goobaha codbixinta ayaa la furay 07:00 xilliga maxaliga ah ee Giriiga, waxaana la rijeynayaa in lasoo xiro 6:00 maqribnimo.