Uncategorized

Dadka kenyanka ah ee ku nool Keynta Boni oo ka cabsi qaba weerarada uga imaanaya Al-Shabaab.

Muqdisho-KNN-Tv,ga Al-Jaziira ayaa baahiyay in dad badan oo Kenyan ah ay wal wal ka qabaan inay guryahooda dib ugu laabtaan kadib markii ay horey uga qaxeen deegaanadooda oo ku yaala dhulka keynta ah ee Boni.

Qaar ka mid ah dadkaan oo la hadlay Tv,ga  Al-Jaziira waxay sheegeen inay dhawr bilood ka maqanyihiin guryahooda oo ku yaala Boni kadib markii ay ku bateen weerarada Al-Shabab.

Dad Kenyan ah oo ku nool xeryo barakacayaal degenyihiin waxaa ay sheegeen in qaar ka mid ah eheladooda lagu dilay weeraro Shabab qaadeen gurayahoodiina la gubay taasoo keentay inay barakacaan.

Al-Shabab dhawr mar ayay weeraro khasaare geystay ku qaadeen tuulooyin ku yaala keymaha Booni.

Dawlada Kenya ciidamo badan ayay geysay kenta Booni oo la aaminsanyahay in meelo ka mid ah Shabab ku sugan yihiin.