Somali News

Dadka ku nool Ex- kontorool afgooye oo dhigay dibadbax ay kaga cabanayaan guryahoodii oo qaab qasab ah looga saaray.

Banaanbax ay dhigayaan dad shacab ah oo careysan ayaa maanta waxaa uu ka dhacay Isgoyska Ex-Kontorool Afgooye ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo maalmo ka hor ka dhacay Qarax ay dad badan ku dhinteen , halka kuwa kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka Dhigaya ayaa ka cabanaya guriyo ay sheegeen inuu ku baaba’ay qaraxii Ex-kontorool, haatan xoog looga qaatay, islamarkaana halkaasi ay jiingado ku wareejiyeen ciidamada dowladda.

Banaanbaxayaasha ayaa xiray goobta uu dibad baxa ka socdo, mana jiro wax gaadiid ah oo isticmaalaya wadadaasi, sida ay KNN u sheegeen dadka dhigayay banaanbaxa.

Qarax ka dhacay Sabtigii la soo dhaafay isgoyska Ex-kontorool Afgooye ayaa waxaa uu ku dhintay in ka badan 100 qof, halka tiro intaasi ka badana ay ku dhaawacmeen, waxaana xusid mudan  in goobo ganacsi ay halkaasi ku burbureen.