Muqdisho-KNN-Dadka ku nool koofurta America ayaa markaan u arka in ay nasiib u yeesheen in ay ku damaashaan dayax madoobaad buuxa.
Dadka cirka daawanaya ee jooga qaybo ka mid ah Chile iyo Argentina ayaa arki doona Bisha oo si toos ah ugu aaday dayaxa oo aan wax ileeys ah u hambeyn doonin kana dhigi doona mugdi muddo daqiiqado ah.
Goor dambe oo maanta ah ayey arki doonaan dayax madoobaadka, qof walba oo nasiib u yeesha in uu joogo marinka uu Dayaxu ka madoobaan doono ayaa daawan doona sida uu dayaxu mugdi isugu badelay.
Cilmiyaqaanadda ayaa dadka ku boorinaya in ay taxa daraan inta dayax madoobaadku jiro, sababtoo iftiinka dayaxa ayaa waxyeeli kara indhaha muddo eegayay madoobaadka.
Dadka Koofurta America ayaa u arka in uu fursad muhiim ah u yahay Dayax madoobaadku, balse waxaa sidaas si duwan looga dhaqmaa dunida muslimka ah marka uu dayaxu madoobaado.
Diinta Islamka ayaa jideeysay in Salaad la tukado marka uu dayaxu madoobaado, islamarkaana la duceeysto iyadoo ilaaheey laga baryayo dambi dhaaf.