Somali News

Dadka ku nool magaalo ku taalo Shiinaha oo laga baarayo Covid 19

Masuuliyiinta wadanka Shiinaha gaar ahaan gobolka “JIINDAAW”ayaa sheegay in wixii manta ka danbeeyo dadka ku nool magaaladaasi laga baarayo Fayraska-Karona.

Dadka ku nool magaaladan oo lagu qiyaaso in kabadan sagaal milyan oo ruux ayaa gabi ahaantood maraya baaritaanka oo socon doona shanta maalin ee soo aadan.

Magaalo xeebeedan ayaa qiyaastii 700km u jirta koonfur bari caasimada Beijing, iyadoona laga soo wariyay shalay lix xaaladood oo cusub oo xanuunka ah iyo lix ruux oo kale oo laga helay astaamaha Fayraska.

Gudiga Qaran ee Caafimaadka u qaabilsan Shiinaha ayaa dhankooda sheegay in Axaddii dhul waynaha Shiinaha oo idil laga soo diiwaan galiyay kiisas gaaraya 21, balse ma aysan ku darin kuwa laga helay magaaladan.