Codbixinta doorashadda guud ayaa ka bilaabatay dalka Portugal iyadoo Xisbiga uu hogaamiyo Ra’iisul Wasaare Antonio Costa loo saadaaliyo in uu ku guueeysto.
Laakiin inkasta oo ra’yi aruurintu ay muujineeyso in xibigu uu heli doono codadka ugu badan hadana macadda hadii uu heli doono aqlabiyadda loo baahanyahay si uu uga adkaado Xisbiga midigta dhexe.
Ku dhawaad 11 million qof ayaa isu diiwaan geliyay in ay doorashadda codeeyaan waxaana lasoo dooran doonaa xubnaha baarlamaanka oo ka kooban 230 xubnood.
Natiijada waxaa la shaacindoonaa marka ay caawa soo xirmaan goobaha codbixintu.
Xisbiga Midigta dhexe ayaa ku guuleystay codadka ugu badan doorashadii la qabtay Sanadkii 2015-kii balse Xisbiga Shacabka ee Ra’iisul Wasaare Antonio Costa ayaa xukuumad soo dhisay kadib markii uu isbaheysi la sameeyay xisbiyo yar-yar.
Kororka Dhaqaalaha Wadanka ayaa dhaafay cel-celiska Midowga Europe afartii sano ee lasoo dhaafay.


