Somali News

Dadka reer Botswana oo u dareeray doorashada dalkaasi

Muqdisho-KNN-Dalka ku yaala koonfurta afrika ee Botswana ayaa waxaa ka bilawday doorashada baarlamaaniga iyadoona lafuray goobaha cod bixinta.  

Xisbiga haya talada dalkaasi iyo madaxwayne Mokgweetsi Masisi ayaa caqabad xoogan ka kulmaya madaxwaynihii hore ee dalkaasi Ian Khama.

Ku dhawaad 931,000 oo kmid ah labo milyan iyo barka dalkaasi ku nool ayaa loo diiwaan galiyay in doorasha maanta ay codkooda ka dhiibtaan.

Madaxwaynaha xiga ee Botswana ayaana kasoo dhax bixi doono xisbiga helo kuraasta ugu badan ee barlamaanka dalkaasi. 

Natiijada doorashada ayaa lagu dhaawaqi doonaa labo maalin kadib marka lasoo xiro goobaha cod bixinta galinka danbe ee maanta.

Madaxwayne Masisi ayaa horaantii bishan sheegay in uu aqbali doono in hadii looga guulaysto doorashada inkastoo dhanka hogaamiyaha mucaaradka uusan ka hadlin natiijada doorashada.