Somali News

Shacabka Nigeria oo u dareeray goobaha codbixinta doorashada

Doorashada guud ee dalka Nigeria ayaa dhacaya maanta, iyadoo uu dalkaasi wajahayo dhaqaale darro aad u xun.

Guud ahaan, sicir-bararka sannadkii hore ee 2022-ka ayaa wax yar ka hooseeya 19%, waana kii ugu sarreeyay muddo labaatan sano ah.

Dagaalka Ukraine ayaa saameyn ku yeeshay maciishadda dalka Nigeria, balse sare u kaca nolosha, ayaa bilawday, ka hor inta aanu bilaaban dagaalka Ukraine.

Intaa waxaa dheer in deynta guud ee dalkaasi lagu leeyahay ay kor u kacday, iyadoo Madaxweyne Buhari uu xilka isaga sii degayo.