Somali News

Dadka xanuunka Covid 19 ugu dhintay Mareykanka oo ka batay rubac milyuun.

Dadka xanuunka Covid-19 ugu geeriyooday wadanka Mareykanka ayaa lasoo warinayaa in ay ka bateen rubac milyuun qof.

Sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins dadka xanuunka u dhintay ayaa haatan gaaraya 250,029 ruux, iyadoona sidoo kale kiisasku ay ka badan yihiin 11.5 milyan oo kiis.

Tirada kiisaska iyo tan dhimashada ee lasoo warinayay maalmihii ugu danbeeyay ayaa gaartay halkii ugu sareesay.

Mareykanka ayaa ah dalka dunida ugu daran marka loo eego haliska xanuunka saf-marka ah ee Karona-Fayras. maamulka madaxwayne Trump ayaana si wayn loogu eedeenayaa in ay ka gaabiyaan latacaalida xanuunka