Uncategorized

Dadkii ay maanta Ciidamada amniga ku dileen Suuqa Bakaaraha oo la sheegay ineysan Shabaab aheyn.

Muqdisho-KNN-Waalidinta Labo wiil oo ay Maanta Ciidamada amniga ku dileen Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa KNN u sheegay in dadkii la dilay ay ahaayeen Shacab iyo Ciidan, xili ay Dowladda Soomaaliya sheegtay iney dishay Shabaab.

Caali Maxamed Mire oo Adeer iyo Abti u ah labada Wiil ayaa KNN u sheegay in Wiilasha la dilay oo lagu kala Magacaabo Mowliid Axmed maxamuud iyo C/qaadir Xersi Aadan Salad ay kala ahaayeen Askari ka tirsan Ciidamada Milatariga Guutada Dal-jir iyo Time JareCaan ka ah Xaafadda Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

Waalidiinta dadka la dilay ayaa sheegay iney haayaan Cadeymo wiilasha la dilay, ayna dalbanayaan in Baaritaan dhab ah lagu sameeyo, waxa uuna eedeen usoo jeediyay Wasaaradda Amniga.

Goor-dhaw Barnaamijka Xogwareysi ka dhageyso Wareysiga Waalidiinta Wiilasha la dilay.