Somali News

Dadkii ka dambeeyay Qaraxii Soobe oo lagu dilay Hiiraan.

Abaanduulaha Qeybta 27-aad ee ka howlgasha Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe Sareeye guuto Saalax Muumin Muuse oo la hadlay Warbaahinta Dowlada  ayaa sheegay in Howlgal ay ciidamada Xoogga ka sameeyeen Gobalka Hiiraan ay ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo la sheegay inuu ka qeyb qaateen qaraxii ka dhacay isgooska Soobe.

Sidoo kale Abaanduulaha Qeybta 27-aad ayaa sheegay in deegaano badan ay Argagaxisada kala wareegeen sida Nuur Qarac, Garasaani, Deegaano u dhaxeeya Buulo Barde iyo Beledweyne, Halka Howlgalada Labaad oo ka dhacay inta u dhaxeysa Buulo Barde iyo Fiidow ay ciidammada Xoogga kula wareegeen Buurweyn, Beynaad, Show, Gibileey, Ceelcaad, Xarar lugoole iyo deegaano kale.

Ma sheegin Sarkaalka magaciisa, Balse waxaa ay tilmaameen inuuhaysto dhalashada ah dalka Pakistan.

Militariga Soomaaliya ayaa Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa ay howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ay ka wadeen deegaano ka tirsan Gobalka Hiiraan.