Somali News

Dadweyne billaabay inay ka guuraan Lamu

Muqdisho-KNN-Shacabkii ku noolaa gobolka xeebta ku yaalla ee Lamu oo dhaca waqooyi bari dalka Kenya ayaa bilaabay inay u barakacaan magaalooyinka yar yar, si ay uga nabad galaan weerarada Al-Shabaab.

Barakacaan ayaa bilowday maalin kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhig militeri oo Mareykanka ay halkaas ku leeyihiin, waxayna halkaas ku dileen seddax ruux oo Mareykan ah, iyagoo dhaawacay kuwo kale.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya inay ka guurayaan tuulooyinka u dhow garoonka diyaaradaha Manda Bay, iyagoo ka baqaya inay weerarro kale dhacaan ama inay Lamu ku dagaalamaan ciidamada ammaanka  iyo Al-Shabab oo ay sheegeen inay ku dhuumaalaysataan duurka u dhow Boni.

Subixii Axada ee todobaadkan ayey Al-Shabaab weerar ku qaadeen saldhigga militeriga Mareykanka iyo kuwa Kenya ay ku wada sugnaayeen oo ku yaalla gobolka Lamu, waxayna halkaas ku gubeen dhawr diyaaradood, iyagoo dilay seddax ruux oo uu ku jiray askari Mareykan ah.