Matabaan-KNN-Ugu yaraan 2 qof ayaa ku dhintay in kabadan 5 kalane Dhaawacyo ayaa ka soo gaaray dagaal Laba Beelood maanta ku dhaxmaray duleedka degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan, waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa Labada dhinac ee dagaalamay.
Dagaalkaan oo u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed wada daga degmadaasi ayaa daba jooga dagaal muddo ka badan hal sano ka socday deegaankaas oo u dhaxeeya Beelo wada daga degmada Matabaan ee Gobalka Hiiraan kaas oo aan wali xal laga gaarin.
Maleeshiyada dagaalamay ayaa la soo sheegayaa in wali ay wadaan abaabul dagaal iyo isu hub aruursi waxaana laga baqayaa in dagaalka uu dhaliyo khasaare intaas ka badan oo soo gaara dadka deegaanka iyo dhinacyada dagaalamaya.
Maamulada HirShabeelle iyo Galmudug oo waqtiyo badan isku dayay iney xaliyaan dagaalkaan u dhaxeeya Beelo degmada Matabaan ku nool ayaa ku guul dareestay iney xaliyaan waxaana dhicisoobay dadaalo badan oo ay Labada dhinac sameeyeen.
La soco wixii warar ah ee ku soo kordha.